Madaxweynaha Puntland oo boggaadiyay xoreynta Degmada Xarardheere

Published: January 17, 2023
Shares32

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Asluubta Puntland.

Madaxweynaha ayaa Kula dardaarmay Ciidanka la tababaray in ay noqdaan kuwo ka faa’iideysta aqoonta la baray oo dalkooda iyo dadkooda ugu adeega sida ugu wanaagsan.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa Hadaljeedintiisa kaga hadlay howlgalada Dalka looga xoreynayo Al-shabaab, isagoo u boggaadiyay guulihii ugu danbeeyay ee la gaaray sida xoreynta Degmada Xarardheere , wuxuuna Hambalyo u diray Galmudug, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Shacabweynaha isu taagay iska dul kicinta Al-shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa iftiimiyey hannaanka Dowladu u wajahday qodobadda Dastuuriga ee ay Puntland ku diiday in ay saxiixdo Heshiiskii Muqdisho, oo ay ugu horeyso Guddiga loo saaray si ay u diyaariyaan wada xaajoodka Arrimaha Federaalaynta Dalka.

Maadaama ay ka socoto Gobollada Bari, Gardafuu iyo Karkaar, isdiiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashada Goleyaasha Deegaanka, Madaxweynuhu wuxuu boggaadiyay Shaqada Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka, Ciidanka Amniga , Ururada Siyaasadda iyo ka qeybgalka diiwaangelinta ee Bulshada saddexdaasi Gobol, wuxuuna ugu baaqay Bulshada Gobollada kale ee Puntland in ay iyana isu diyaariyaan Isdiiwaangelinta.

Horseed Media