Madaxweynaha Puntland oo booqasho ugu tegay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Published: February 9, 2023

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta gurigiisa Boosaaso ku booqday Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ay weheliyaan, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, iyo Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad.

Kulanka oo ahaa Salaan, Booqasho iyo is-xogwareysi ayaa looga hadlay xaaladda Guud ee Gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland, sida lagu sheegay warbixin kooban oo lagu qorey warbaahinta dowladda.

Boqorka iyo Madaxweynaha Puntland ayaa yeeshay kulan gaar ah oo qaatey 20 daqiiqo sida Horseed media ogaatey.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya iyada oo muddo sanad ah uu ka soo wareegay markii Madaxweyne Deni oggolaadey qaar kamid ah go’aamadii ismiadu ku xailiyeen dagaalkii Boosaaso oo ay ka mid tahay mag-dhawga dadkii dhibaatadu ka soo gaartey dagaalka taas oo aan weli fulin.

Horseed media