Madaxweynaha Puntland oo Booqday Dadkii Abaartu Saamaysay

Published: January 25, 2017


Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeer ku tegay tuulooyin iyo degaamo hoostega degmadda iskushuban ee gobolka Bari, halkaasi oo ay ku sugan yihiin dadka xooladhaqaata ee abaartu saamaysay ee u soo naqraacay degaamadaasi

Kormeerkan oo ay madaxweynaha ku weheliyeen xubno ka tirsan labada golle ee dowladda, Guddoomiyaha gobolka bari , duqa degmadda Bosaso iyo Saraakiil ka tirsan dowladda , waxaana ujeedada safarka madaxweynah lagu sheegay soo eegida xaalada ay ku sugan yihiin dadka iyo duunyada abaartu saamaysay ee ku soo hayaamay degaamadaasi

Madaxweynaha oo ka soo ambabaxay Magaaladda Bosaso maalintii shalay ayaa waxaa uu socdaalkiisa ku maray tuuladda Kob-dhexaad, halkaasi oo madaxweynuhu dhagax dhigay cusbitaal iska wax u qabso ay ku dhisanayaa dadka degaanka, ka dibna wuxuu booqday tuuladda dharoor, halkaasi oo u kormeeray ceel biyood laga qodayo Magaalada Dharoor kaasi oo hir gelinaysey Dawladdu Puntland.

wuxuu kaloo madaxweynuhu booqday degaanka Yadan-yoodin oo kamida meelaha ay ku soo hayaameen dadka xoola dhaqatada ah ee ay abaartu saamaysay waxa uu ku wareejiyey raashin 500 oo qays kasoo ay ugu deeqaday hay`ada khayriga ah ee Tadaamur.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo booqday Degmada Iskushuban iyo Magaaladda xiriira ee gobolka Bari, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay, soo dhoweyn kadib wuxuu la yeeshay maamulka iyo waxgaradka degmada kulan is xog-waraysi ah waxaana ay uga warbixiyeen xaalada guud ee degmada iyo degaanada hoos yimaada.

Gabagabadii, Safarka madaxweynaha uu ku tegay degaamadda goboladda Bari iyo Karaar ee Puntland ayaa la sheegay inay la xiriirto ogaashaha xaalada ay ku sugan yihiin dadka ku soo hayaamay, islamarkaana la gaarsiiyo dadkaasi oo u badan reer guuraa degaamo fog fog ka yimid raashin, Daawo iyo biyo ay ku deeqday dowladda iyo ganacsatadda reer Puntland.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *