Madaxweynaha Puntland oo Boosaoso Soo Gaaray, shir Jaraa’idna Qabtay -Video

Published: January 3, 2017

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo muddo saddex toddobaad ah safar shaqo ugu maqnaa Magaaladda Muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay Puntland, isagoo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Bosaso

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Maamulka gobolka Bari, Masuuliyiinta labada golle ee dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee Puntland iyo Saraakiil ka socotay madaxtooyadda Puntland

soo dhaweynta Ka dib Madaxweynuhu wuxuu shir jaraa’id ku qabtay Qaybta VIP ee Garoonka diyaaradaha ee Bosaso, wuxuuna ka hadlay shirkii Madasha Qaran ee muqdisho kaga qaybgalay, isbedelka laga filayo inuu dalka ka dhaco, Abaaraha dalka ka jira, dilalkii qorshaysnaa ee ka dhacay magaaladda Bosaso iyo guud ahaan amniga Puntland iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Al-shabaab iyo ISIS

“Hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga qaran meel wanaagsan ayay keeneen arrimaha doorashada Soomaliya iyo isbadalka dalka ka dhacaya,waad la socotiin way soo dhamaadeen doorashooyinkii ka dhacayay xarumaha Maamul Goboleeyada dalka ka jira, iyo dhaarintii xildhibaanada golaha shacabka, runtii waxaan rajeenaynaa in isbadal wanaagsan ay kasoo baxaan doorashada Madaxweynaha Soomaliya ee dhacaysa sanadkaan 2017-ka, isbadal wanaagsan ayaa iiga muuqda xildhibaanada kusoo baxay Golaha shacabka Soomaliya”, ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynaha Puntland wuxuu kaloo ka hadlay dilalkii qorshaysaan ee sanadkii aynu soo dhaafnay ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, kuwasoo lagu dilay Mas`uliyiin ka Tirsan maamulka ayna sheegteen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

´Waxan ka Tacsiyadeenayaa dilkii ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka bari, runtii way nagu cusub tahay in mas`uuliyiin lagu dilo Magaalada Boosaaso, iyadoo taasi ay jirto dadaal ay sameeyeen Maamulka iyo shacabka ayaa lagu yareeyay dilalkii, Ciidamada Puntland way ku amaanan yihiin sugida amniga”, ayuu yiri mar kale yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Ugu dambeyntii,Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa illahay uga baryey inuu abaarta ka dulqaado ummadiisa uguna bedelo raxmadiisa, waxaana uu madaxweynu sheegay in Dawladda Puntland iyo shacabkeeda oo iskaashanaya ay marwalba la garab taagan yihiin sidii ay gargaar degdega ula gaari lahayeen dadka abaaruhu sameyeen ee reer Puntland.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *