Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay wadada Dhahar – Sheerbi

Published: August 20, 2022
Shares12

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar tegay Degmada Dhahar, ayaa dhaggax dhigay wado isku xiri doonta magaalooyinka Sheerbi ee dhacda laamiga dheer iyo Dhahar iyo Xingalool.

Madaxweynaha Dowladda Puntland, ayaa sheegay muhiimada ay u leedahay Puntland dhaggax dhiga wadadan, isagoo xusay in wadadan ay dadka ogbolka haylaan ku xireyso gobollada kale ee Puntland isla markaana ay ka qeyb qaadan doonto, horumarka, kobcinta ganacsiga iyo dhoofinta Xoolaha.

Waddadan waxaa ku deeqdey Hay’adaha African Development Bank, IGAD, waxaana fulinaysa Save The Children.

Sheerbi iyo Dhahar ayaa isu jira qiyaastii 45km, taas oo la wada dhisaayo badankeed, halka Dhahar iyo Xingalool isu jiraan 70km laakiin waxaa mashruucan lagu sheegay in la dhisaayo 20km oo keliya.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa sanadkii 2018 dhagax dhigey wadadan, maanta mar kale Madaxweyne Deni dhagax dhigay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi ayaa caawa u hoyan doona magaalada Qardho, halkaas oo ku sugnaan doono maalmo, ka hor intaanu dib ugu noqon Garoowe.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *