Madaxweynaha Puntland oo furay kalfadhigii 51 aad ee golaha wakiilada Puntland

Published: October 25, 2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Salaasa ah furey kalfadhigii 51aad ee golaha wakiilada Puntland. Kalfadhigan ayaa ah kii 8aad ee baarlamaanka shanaad ee Puntland yeesho, waxaana u harsan laba kalfadhi oo keliya muddo xileedkooda.

Kalfadhiga waxaa koormakiisu yahay 55 Xildhibaan taas oo ah mid ka badan kalfadhigii kan ka horeeyey ee bishii lixaad ee sanadkan.

Madaxweyne Deni ayaa khudbad ka jeediyey furitaankii kalfadhiga waxaana ay u qabsaneyd saddex qaybood:

  • arrimaha federaalka, qaybsiga kheyraadka, dastuurka iyo wadahadalka Somaliland
  • siyaasadda Puntland iyo geedi socodka doorashooyinka
  • waxqabadka xukuumadda Puntland ee 4tii bilood ee u danbeysey

Arrimaha siyaasadda gaar ahaan barnaamijka ururada siyaasadda oo uu sheegay in ay doonayaan in ay dalka ka hirgeliyaan, waxaana uu ka sheekeeyey guddiyadii kala duwanaa ee uu magacaabey ee dardargelinta doorashada, kulamadii ay la qaateen ururada siyaasadda iyo wefdigii balaarnaa ee uu hoggaaminaayey James Swan ee dhawaan Garoowe yimid.

Kalfadhigan ayaa lagu kala ogaan siyaasadda Puntland ay qaadi doonto 2023, waxaa la sugayaa in Madaxweyne Deni uu magacaabo Maxkamadda sare kadibna u gudbiyo Baarlamaanka, waxaa wararku sheegayaan in weli Madaxweynuhu doonaayo in uu soo magacaabo Axmed Taaran oo baarlamaanku diideen, kana digeen in aan dib loo magacaabi karin, dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa qoesheynaya in uu magacaabo labada xubnood ee dhankiisa ee Maxkamadda dastuuriga taas oo ah xujada ugu horeysa ee socodsiinta doorashooyinka goloyaasha deegaanka, halka golaha wakiilada uu ka codsan doono in ay soo magacaabaan labada xubnood oo kale.

Sidii caadadu ahayd Madaxweyne Deni wax su’aalo ah laguma weydiin furitaankii kalfadhiga, waxaana su’aal la weydiiyo ugu danbeysey sanadkii 2019 oo dhalisey caro aad u badan oo gil-gishey baarlamaanka isla markaana sababtey in baarlamaaka dhiig ku daato, xilkiina uu waayo guddoomiyihii markaas.

Horseed media