Madaxweynaha Puntland oo Garowe ku qaabiley safiirka Finland u qaabilsan arrimaha Soomaaliya-Sawiro

Published: March 29, 2017

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wefti ay hogaminaysey Safiirka wadanka Filand u qaabilsan arrimaha Soomaliya Miss. Tarja Fernandez oo ah markii ugu horaysey ee ay timaado Puntland.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha Ku wehelinaayey mas’uuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntlandayaa kulanka kadib warbaahinta uu sheegay in Puntland iyo Dalka Finland ay leeyihiin xiriir aad u wanaagsan isla markaana ay ka dhexayso wadashayn dhow.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tibaaxay in ay safiirka iyo weftiga wehelinayey ka wada hadleen Mashaariicaha horumarineed ee dawladda Filand ay ka fuliso Puntland iyo sidii ay usii horumarin lahaayeen, isla markaana ay ugu dedaalilahayeen sidii ay ugu soo dhamaan lahaayeen guul dhamaan mashaariicdaasi.

Dhica kale Safiirka wadanka Finland u qaabilsan arrimaha Soomaliya Miss. Tarja Fernandez ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay wada shaqyanta Puntland iyo dalkeeda isla markaana ay sii wadidoonaan wadashaqayntaasi ay la leeyihiin Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana ay intaasi raacisay in ay Puntland iska kaashadaan badiyaaba arrimaha caafimaadka.

Ugu danbayn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Dawladda Finland uga mahad naqay wadashaqaynta dhow ee ay la leeyihiin Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay diyaar u yihiin joogtaynta iyo dardar gelinta wada shaqayntaasi.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *