Madaxweynaha Dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay doorashada madaxtinimada Jubaland ayaa hambalyo u diray madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Islaam oo markii seddexaad loo doortay madaxweynaha Jubaland.
Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa hambalyo u diray guddoonka cusub ee baarlamaanka iyo xildhibaanada golaha wakiilada dowlad goboleedka Jubaland, wuxuuna ilaahey uga baryey inuu u fududeeyo xilka cusub.
“Jubaland waxaan u rajeynaynaa nabad iyo horumar, waxaana ugu baaqaynaa Dowladda Jubaland iyo Shacabkaba in la illaaliyo oo laga wada shaqeeyo amniga iyo xasilloonida Jubaland, wixii kala aragti duwanaansho ahna in lagu xaliyo wadahadal.” ayuu yiri; Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.
Horseed Media