Madaxweynaha Puntland oo Ka Hadlay Heshiiska Cusub ee Uu la Galay Madaxweynaha Galmudug

Published: January 1, 2017

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay heshiiskii nabadaynta Galkacayo ee uu maanta uu magaaladda muqdish kula galay madaxweynaha Galmudug c/kariim guuleed,

Heshiiskan oo ay goojoog ka ahaayeen Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud, Ra`isul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo wakiilka xoghayaha qaramada midoobay ee Soomaaliya Miceal keating ayaa madaxweynaha Puntland wuxuu ku tilmaamay fursad weyn oo lagu soo afjarayo colaada Galkacayo.

” waxaanu ku heshiinay saddex qodob oo kala In isu socodka magaalada galkacayo dib loo soo celiyo,In ciidammo Boliis ah oo isku dhaf ah la geeyo Iyo in Bisha February kulan kale la isugu yimaado si looga wada xaajoodo wax yaabaha ka dhaqan-galay qodobbada lagu heshiiyey`

Madaxweynuhu wuxuu ku booriyey shacabka magaalada Gaalkayo inay meel uga soo wada jeestaan xasilinta iyo deminta colaada, waxaana uu tilmaamay in shacabka magaalada Gaalkacayo ay yihiin dad walaalo ah saa awgeed ay muhiim tay inay ka wada shaqeeyaan wax kastoo dan u ah danahooda.

Dhinac kale, Madaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa guul weyn ku tilmaamay heshiiska uu la galay madaxweynaha Puntland, wuxuuna sheegay inay si deg deg ciidammada la kala qaado, islamarkaana laguna dedaallo sidii looga wada qeyb-qaadan lahaa dhaqangelinta heshiiska saddexda qodob ah.

Gabagabadii, Madaxweynaha Soomaaliya,Ra`iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Wakiilka Qaramada midoobay oo goobjoog ka ahaa kulanka ayaa soo dhaweeyay heshiiska, waxayna ku booriyeen labada dhinac inay sida ugu dhaqsiyaha badan u fuliyaan.

Horseed Media 2016

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *