Madaxweynaha Puntland oo kormeeray goobaha gurmadka Qardho ka socdo -SAWIRO

Published: May 3, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo weli kusagan magaalada Qardho kadib khasaarihii roobabku geysteen, ayaa maanta kormeeray xarumaha uu ka socdo Gurmadka loo fidinayo dadkii ay fatahaadu saameysay.

Guddoomiyaha Guddiga sare gurmadka fatahaadda Qardho, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Mudane Maxamed Dhabanacad iyo xubno ka tirsan Guddiga ayaa Madaxweynaha halkaasi wabixino ku siiyey.

Madaxweynaha ayaa kormeeray xarumaha lagu kala maareynayo raashinka gurmadka ah, goobaha kale ee shaqadu ka socoto iyo suuqa weyn ee Qardho halkaasi oo Madaxweynuhu ku lugeeyay si uu u arko howsha baaxada leh ee socota.

Waxaa weli si habsami leh u socda Gurmadka magaalada Qardho iyada oo la sameeyey tirakoob rasmi ah khasarihii Qardho ka dhacay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Aad iyo bay u mahad san yihiin dowladda puntland oo si xilkasnimo ah iskaga saartey in wax u qabato dadka dhibaatada ay gaartey .madaxweynaha iyo gudiga la shaqeynaya aad bay u mahad san yihiin. Illahy ajar idinka siiyo.