Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Xarumaha muhiimka ah ee Degmada Xaafuun-Sawiro

Published: January 26, 2017

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan degmada xaafuun ee gobplka Karkaar ayaa komeeray xarumaha Puntland ee degmadaasi, waxaana kamida goobaha uu kormeeray madaxwenuhu isbitaalka weyn ee degmada Xaafuun, dugsiga H\Dhexe ee degmada iyo dekedii hore ee degmada Xaafuun.

Kormeerka uu ku tegey xarumaha Puntland ee Degmada Xaafuun ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey Masuulinyii ka tirsan goloyaasha Puntland, maamulka gobolka Karkaar iyo sarakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Ugu horayn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu kormeeray cusbitaalka weyn ee degmada Xaafuun isagoona ka xog wartaystay maamulka cusbitaalka xaalada guud ee cusbitaalka iyo sidoo kale baahiyaha gaar ka ah ee uu u baahan yahay in gacan laga geysto.

Kormeerka kadib hadal uu siiyey madaxweynuhu warfidiyeenada ayaa waxa uu sheegay in cubitaalka uu yahay mid wax badan ka qaban kara baahida shacabka ku dhaqan degmada Xaafuun iyo degmaanada ku hareeraysan sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in shaqaalaha cusbitaalku ay yihiin kuwo ka soo bixi kara shaqada ay u hayaan dadkooda.

” sharaf ayay noo tahay inaan isbitaalka soo booqano runtii waxa aanu ku aragnay maaha wax caadiya, waxaa ka shaqaynaya shaqaale u tababaran shaqada ay u hayaan bulshadooda, runtii isbitaalkan waxaa uu ka mid yahay kuwa ugu wanaagsan ee Puntland ka jira aad ayaana ugu bogaadinayaa dhamaan shaqaalada iyo maamulka isbitaalka, dabcan muhiimad gaara ayay leedahay degmada Xaafuun sababtoo ah waa magaalo ka dheer adeegyada bulshada oo aan degdeg lagu gaarsiin karin sababtoo ah meesha ay ku taalo ayaa aad u fod” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray Dugsiga Hoose\dhexe ee degmada Xaafuun, saldhiga Booliska iyo dekedii hore ee magaalada taarikhiga ah ee Xaafuun.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku amaanay shacabka iyo maamulka degmada Xaafuun dedaalkooda iyo sida ay ugu heelan yihiin hirgelinta hurumarka degmadooda iyo degaanada hoos yimaada.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda oo weli ku guda jira kormeerkii uu ku dhex marayo bulshda ku dhaqan Gobolada Bari iyo Karkaar ayaa galabta gelinkii danbe booqday tuulada garduush, halkaas oo madaxweynuhu kala kulmay soo dhawayn balaadhan bulshadii ku sugnayd, kadibna raashin iyo biyo loogu qaybiyey dadkii danyarta ahaa ee degenaa tuuladaasi Garduush.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *