Madaxweynaha Puntland oo kormeeray Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Daraawiishta

Published: January 19, 2023

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Daraawiishta Puntland ee 54-aad, oo ay ku socoto dayactir, dib-u-dhis, qalabeyn iyo u dhameystirada baahiyaha Asaasiga ah sida Ceelbiyoodka Xarunta. 

Madaxweynaha ayaa kormeeray Qeybta Taliska Ciidanka, Xafiisyada Saraakiisha iyo Howlwadeenada oo si casri ah loo dhisay.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gen. Abshir Cabdi Jaamac (Abshir London) iyo Masuuliyiinta Shirkada dhismaha ee KEBARCO oo dhisaysa xaruntan. 

Xarunta Taliska Ciidanka Daraawiishta ee 54-aad oo aheyd halkii lagu aasaasay Puntland 1998, waa markii ugu horeysay ee Hab casri ah oo horumarsan loo dhisayo.

Horseed Media