Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan Kismaayo.

Published: October 9, 2019

Dr Saciid Cabdilaahi Deni Madaxweynaha Puntland ayaa maanta u safraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Kumeel-gaarka ah Jubaland oo lagu waddo dhawaan in ay ka dhacdo Caleema saarka Madaxweynaha Jubaland, Kismaayo Horay waxaa u gaaray Madaxweynihii hore ee Koonfur-Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, Xildhibaano iyo Wufuud kale oo la socday.

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay xayiraad u saartay Jubaland waxayna amartay in aysan taggi karin Kismaayo wax duulimaad ah ilaa ay soo maraan Magaalada Muqdisho, Madaxweynaha Puntland ayaa horay u sheegay in uu ka qaybgali doono caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gebi ahaanba laashay doorashadii ka shacday Jubaland waxayna sheegtay in aysan aqoonsanayn doorashadaas, sidoo kalena waxay ku dhawaaqday in ay dib ugu celin doonaan doorashada jubalanad iyadoo soo bandhigtay hab-raaca doorashada Jubaland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *