Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso.

Published: August 19, 2022

Waxaa magaalada Qardho laga dareemayaa qaban-qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa wararku sheegayaan in Siciid Deni u gudbi doono magaalada Boosaaso.

Mudada uu ku sugan yahay magaalada Qardho waxa uu soo xiri doonaa ciidamo tababar ku dhamaystey xerada xorgoble, sidoo kale waxa uu xariga ka jarayaa maxjar ay dhistey hay’adda Save the children, kaas oo loogu tala galay in xoolaha loo wado Bosaso ay ku sii nastaan oo maalmo lagu hayo.

Inta uu ku sugan yahay Qardho Madaxweynaha Puntland waxa uu la kulmi doonaa bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaana uu wadaa latashiyo ku aadan siyaasadda Puntland.

Saddexdii sano ee u danbeysey wax mashaariic ah oo waaweyn magaalada Qardho lagama qaban, sidoo kale waxaan waxba laga qaban sidii xal loogu sameyn lahaa biyaha magaalada ku soo rogmada xiliyada roobka, iyada oo dhaqaale loo ururiyey sanadkii 2020 weli ku jiro koontadii la dhigay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *