Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Madaxa Hay’adda FAO ee Soomaaliya-Sawiro

Published: February 26, 2018

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa FAO ee Soomaaliya Daniele Donati.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa FAO Daniele Donati ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen, kalluumeysiga, daaweynta xoolaha iyo xanaaneyntooda, beeraha, dhirta, daaqa iyo sidii wax looga qaban lahaa xaalufka deegaanka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa uga mahadceliyey madaxa FAO ee Soomaaliya Daniele Donati sida wanaagsan FAO ula shaqeyso Dawladda Puntland iyadoona uu madaxweynuhu intaasi ku daray in FAO ay tusaale wanaagsan u noqon doonto hay`adaha kale ee ka hawl-gala Puntland.

Sidoo kale, Madaxa FAO ee Soomaaliya Daniele Donati ayaa Puntland uga mahad celiyey sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Puntland islamar ahaantana waxa uu sheegay Daniele Donati in dawladda Puntland iyo FAO ay ka dhaxeyso wada shaqeyn wanaagsan.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland ayaa iyo Daniele Donati weftiga la socdey si qoto dheer ugaga xog Waramey xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland, isagoona Madaxweynahu sheegay in loo baahan yahay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen, iyadoo welibana madaxweynuhu tilmaamey in ay muhiim tahay in beesha caalamku ay qayb libaax leh ka qaataan kana qayb galaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu ku saameeyeen Puntland.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *