Madaxweynaha Puntland oo La Kulmay Odayaasha Dhaqanka Gobolka Bari-Sawiro

Published: March 5, 2017

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas la kulmay qaybaha kala duwan ee odayaasha dhaqanka Gobolka Bari, waxaana kulnakaasi ka qayb galay mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Bari, nabadoonada iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Kulankanka uu Madaxweynuhu la qaatay odayaasha ayaa looga wada hadlay xaaladda nabad-gelyada iyo horumarka gobolka, waxaana odayaashu ay si cad u tilmaameen inay maamulka ku garab taagan yihiin tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo sugidda ammaanka iyo tubta toosan ee loo marayo horumarka gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays “Dhedo” oo kulankii kalmado kooban ka jeediyay ayaa tilmaamay in sugitaanka ammaanka Gobolka Bari ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo isla markaana loo guntado sidii looga hortagi lahaa cid kasta oo ku xad gudbaysa nabadgelyada gobolka iyo horumarkiisa.

Dr. Cabdiqweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa si cad u tilmaamay in xaqiijinta iyo wanaajinta amniga guud ahaan gobolada Puntland ay kamid tahay masuuliyadaha dastuuriga ah ee ay Puntland leedahay, isla markaana ay Dawladdu qaadayso tallaabo kasta oo lagu sugayo nabadgelyada laguna taabba gelinayo hormarka iyo wada jirka shacabka Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland ayaa ku dhiiri geliyay masuuliyiinta maamulka Gobolka Bari iyo odayaasha dhaqanka ee kulanka ka qayb galay adkaynta nabadgelyada iyo sugidda amniga Gobolka iyo sidii si wada jir ah loogu dhaqaaqi lahaa houmarka.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *