Madaxweynaha Puntland oo la kulmey qaybaha bulshada G. Karkaar

Published: January 19, 2021

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed ayaa maalintii Isniinta kulan la qaatey qaybaha kaa duwan ee bulshada gobolka Karkaar.

Ugu horreyntii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatey Nabadoonada iyo cuqaasha magaalada Qardho, waxaana uu kala hadley xoojinta amniga, wada ndeganaanshaha iyo hormarinta gobolka.

Madaxweynaha Puntland ayaa odoyaasha uga warbixiyey xaaladaha u danbeeyey ee Puntland, arrimaha uu u yimid Qardho iyo sida loo dardargelin lahaa hormarinta maamulka.

Odoyaasha ayuu ka dalbadey in ay u istaagaan ka shaqeynta amniga iyo nabadeynta iyo sidii loo demin lahaa colaadaha ka dhacay meelo ka mid ah gobolka Bari.

Kulanka Dhalinyarada

Madaxweyne Deni ayaa kulan kale la qaatey dhalinyarada Gobolka Karkaar, waxaana kulanku daarnaa xoojinta xiriirka dowaldda iyo dhalinyarada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *