Madaxweynaha Puntland oo magaalada Qardho ku wajahan

Published: July 7, 2023

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulllaai Deni ayaa lagu wadaa in uu dhawaan booqasho ku tago magaalada Qardho, si wax looga qabto biyaha magaalada ku soo rogmada xilliyada roobka.

Horseed Media ayaa fahamsan in qorshaha baneynta biyo-mareenka magaalada Qardho, iyo maareynta biyaha soo rogmada uu soo dhamaadey, loona hayo dhaqaale ku filan oo wax lagu qabto.

Dhaqaalihii loo ururiyey magaalada anadkii 2020 ayaa weli ku jira Koonto sida ay sheegeen guddiga gacanta ku haya, ma cadda dhaqaalaha dowladda Puntland ku kabeyso dhankeeda.

Biyaha magaalada ku soo dhaca xilliyada roobka ayaa khasaaro ba’an u geystey magaalada Qardho kadib markii la xiray waddoyinkii ay mari jireen biyuhu, sanadkii 2020 ayaa ugu darnaa waxaa lagu waayey naf iyo maalba.

Booqashada uu magaalada Qardho ku tegaayo Madaxweyne Deni ayaa ku soo beegmeysa xilli Puntland ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed taas oo weli xal loo helin.

Horseed Media