Madaxweynaha Puntland oo magacaabay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee gobolka Nugaal

Published: March 4, 2017

Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa lagu magcaabay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee gobolka Nugaal.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee gobolka Nugaal ayaa loo magacaabay Cali-salaad Diiriye Faarax, iyadoo degreetada lagu magacaabay ay ahayd xeer madaxweyne oo nambarkeedu yahay Lr.22 ee march 03 2017 .

Hadaba hoos ka akhriso Digreetada lagu magacaabay gudoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Puntland.
Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa, iyo waayo aragnimadiisa shaqo.
Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladdaha hoose.

Wuxuu xeeriyey
Waxaa Cali-salaad Diiriye Faarax loo magcaabay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Gobolka Nugaal

Xeerkan wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay madaxweynuhu.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *