Published: May 14, 2020
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2020/05/60114909_651603728586484_5921213081597247488_o-1024x688.jpg)
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Taliye iyo Taliye ku xigeen u magacaabay ciidanka Madaxtooyada. Madaxweyne Deni ayaa G/Sare Cismaan Cumar Maxamed u magacaabay Taliyaha ciidanka Madaxtooyada, halka ku xigeena looga dhigay G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali.
Taliyaha Cusub G/sare Cismaan Cumar ayaa ka mid ah saraakiisha ka shaqaynaysay gudaha madaxtooyada, sidoo kalena waxa uu mudo dheer ka shaqaynayay Magaalada Muqdisho.
Horseed Media, 2020
2 Comments