Madaxweyne Deni oo la kulmay wafdi ka socda dowladda Shiinaha.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ku qaabilay magaalada Boosaaso Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Amb. Wang Yu Ambassador iyo wafdi uu hoggaaminayo, sida ay baahisay madaxtooyada Puntland.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Liibaan Muuse Boqor iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur.
Warkan oo lagu baahiyey bogga madaxtooyadda Puntland laguma sheegin waxa ay ka hadleen labada dhinac.
Shiinaha ayaa kamid ah dowladaha ka taageera Soomaaliya mashaariicda horumarinta dhaqaalaha.
Horseed Media