Madaxweynaha Puntland oo ku Adkeeyey Golaha Wasiirada Ilaalinta Hantida Dowladda

Published: February 22, 2018

Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo uu Shir gudoominayey Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa looga hadlay Arrimaha Amniga Dalka, Habka Hubinta Badeecadaha iyo ilaalinta Gaadiidka Dolwdda, gaar ahaan gaadiidka G.D-ah.

Golaha Wasiirada Puntland ayaa Warbixin ka dhegaystay Wasaaradda Amniga, isla markaana Madaxweynaha ayaa si gaar ah u bogaadiyey Ciidanka howl galkii ay ka fuliyeen magaalada Bosaso.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Puntland ayaa Warbixin ka dhegaystay Wasaaradda Ganacsiga oo goobta ka sheegtay qaabka Hubinta Tayada iyo bad qabka dhammaan badeecadaha Dalka la soo gelinayo si looga ilaaliyo Shacabka Puntland khatarta iyo waxyeelada badeecadaha dhacay ee Wadanka la soo geliyo.

Wasaaradda ganacsiga ayaa caddeysay in Hannaanka Tayo dhowrka Puntland oo la mid yahay Hannanka Tayo dhowrka Bariga Afrika.

Madaxweyanha Puntland ayaa Wasaaradda u sheegay in loo sameeyo shacabnka iyo ganacsatada wacyi gelin guud oo ku saabsan khatarta iyo waxyeelada badeecadaha dhacay ama sumaysan ee ay u geysanayaan caafimaadka.

Ugu dambeyn Golaha Wasiirada ayaa ku dheeraaday ilaalinta hantida Shacabka , gaar ahaan Gaadiidka G.D-ah, wuxuuna Madaxweyanaha ku adkeeyey dhammaan Golaha inay mas’uuliyad iska saaraan ilaalinta hantida Dowladda.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *