Madaxweynaha Puntland oo si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada London ee dalka Britain [sawiro]

Published: February 21, 2012

Madaxweynaha dowlada Puntland Dr. Abdirahman Maxamed Faroole ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha Heathrow ee magaalada London Talaado 21-02-2012, waxaana safarkiisa uu kusoo gaaray dalka Britain ku wehelinayey Wasiirada Arrimaha gudaha, Iskaashiga caalamiga ah, Tacliinta Sare, Batroolka, iyo Warfaafinta. Waxaa kaloo wafidiga madaxweyne Faroole la socday gudoomiyaha golaha doorashooyinka Puntland Dr. Maxamed Xasan Barre, waxaana si weyn wafdiga loogu soo dhoweeyey magaalada London, iyadoo boqolaal taageerayaasha Puntland ah ay kaga hortageen madaxweynaha halkii uu kasoo dagayey.


Ubax ayaa qoorta loo geliyey madaxweynaha markii uu kasoo degay garoonka, waxuuna ka mahad celiyey sida jaaliyada reer Puntland ee dalka Britain u soo dhoweeyeen.

Ujeedada safarka madaxweynaha uu Britain kusoo gaaray ayaa la xiriirta inuu hogaamiyo wafdiga Puntland ee ka qayb qaadanaya shirka maalinimada khamiista nagu soo fool leh London ka furmi doona, iyadoo shirkan ay sidoo kale kasoo qayb gali doonaan wufuud ka kala socota TFG iyo maamulada Somaliland, Galmdug iyo ururka Ahalusunna waljameeca.

Waa safarkii 3aad ee madaxweynaha Puntland kusoo gaaro Britain teer iyo intii uu talada la wareegay sanadkii 2009-kii, wuxuuna sida caadada ah madaxweynuhu la kulmi doonaa inta uu joogo London, jaaliyada reer Puntland ee ku dhaqan dalkan ingiriiska.

M. Mursal Shiino
London, Britain