Madaxweynaha Puntland oo Somaliland Ugu Baaqay inay Ka Baxaan Dhulka Puntland ee Ay haystaan

Published: June 21, 2020

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu baaqay maamulka somaliland inay si sharaf leh uga baxaan dhulka ay Puntland ka haystaan

Madaxweynaha oo maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland ayaa ku amray ciidamada Puntland inay u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda iyo xuduudahoodaba,

“Waxaan idinkula dardaarmayaa cadaw kasta oo Puntland leedahay ha ahaadeen argagixiso ama kuwa kusoo duulay dhulka Puntland inaad u diyaargarawdaan. Puntland waxaa ka go’an inay cadawgeeda Iska dhicinayso, diyaar u tahay inay nidaamkeeda dastuurka ah ku dhaqanto, soo celiso dhulka ka maqan, cidhibtirto argagixisada, diyaarna u tahay cidkasta oo nabad iyo wadahadal laga helikaro ay la gasho heshiis, haddii ay ka weydona ay awood kusoo ceshanayso, waxaan ugu baaqaynaa Soomaaliland si sharafleh inay dhulka Puntland uga baxdo, dhiig walaal madoonayno, horumarbaan rabnaa, deris wanaag baan rabnaa” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa dagaalo ku dhexmareen gobolka Sool ka dib markii ciidamada Somaliland ay qabsadeen degaanka Tukaraq 8 Janaayo 2018kii.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *