Madaxweynaha Puntland oo u mahadnaqay Madaxda Soomaalida & Beesha Caalamka ee kasoo qeyb galay Xaflada Caleemo Saarka

Published: January 25, 2024

Munaasabada Caleemo Saarka Madaxda cusub ee loo doortay Puntland oo maanta ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Puntland ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada, Madaxda Dowlad Gobaleedyada, Wafuud ka kala timid dalalka Deriska iyo Beesha Caalamka ayaa munaasabada kasoo qeyb galay.

Xaflada oo laga soo jeediyey khudbado kala duwan ayaa diirada lagu saaray xaalada Soomaaliya iyo hambalyeynta doorashadii Puntland ka dhacday.

Sidoo kale, madaxdii hore ee dowlada Federaalka iyo Puntland ayaa sidoo kale looga hadlay marxalada uu dalka marayo.