Madaxweynaha Puntland oo Xariga ka Jaray Dhismaha Cusub ee Jaamacadda Bosaso -Sawiro

Published: February 25, 2018

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka qeyb galay xafladda qalin jebinta ardayda Jaamacadda Bosaso faraceeda Garowe, ardaydan qalin jebisay oo ah dufcaddii 1- aad ee ka baxda Jaamacadda.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa xafladda ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Abshir Aw- yuusuf Ciise, wasiir ku xigeenka waxbarashada Maxamed Cali Faarax, mas’uuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, ardayda, macallimiinta Jaamacadda Boosaso, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Abshir Aw- yuusuf Ciise ayaa hambalyo iyo boogaadin u diray ardayda iyo maamulka jaamacadda , isla markaana ku baaqay in waxbarashada lagu dadaalo

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyey ardayda qalin jebisey, maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Boosaaso iyo sidoo kale waalidiinta ku soo tabacday ardaydaasi.

“Aaad iyo aad ayaan uga mahad naqaynaa marti qaadka aad nagu marti qaadeen xafladan farxad badan quruxda badana, waana ka mahad naqeynaa intii soo abaabushey iskuna xilqaantay, waxaan aad iyo aad ugu farxsanahay halsano ka hor markaanu xagaan dhagax dhignaey farca jaamacadda Boosaaso ee Garoowe, halsano kabacdi qalin jibin iyo jaamacaddii oo dhameystiran inaan maanta iskugu nimid waan ku bogaadinaya maamulka jaamacadda Boosaaso, Marka ugu horeysa waxaan u hambalyeenayaa dhalinyarada Gabdho iyo Wiilal ba leh ee maanta ka qalinjibiyey jaamacadda waxaan idin leeyahay hambalyo,”

“Waxaad sameyseen juhdi tirabadan, soojeed tiarabadan, wal-wal imtixaan maanta waa maalin farxadeed oo ah qalin jibin tiinii, waan bogaadinayaa dedaalka aad sameyseen iyo guusha aad gaarteen waxaan mar labaad idin leeyahay hambalyo, waxaan amaan iyo bogaadin u soo jeedineynaa waalidiintii idinku soo tacbay, idin soo bar baariyey heerka aad maanta joogtan idin soo gaadhsiiyey waxay mudan yihiin bogaadin iyo amaan, anagoo og duruufaha ay idinku maal galiyaan mararka qaar dhibka ay ka marayaan inaad wanaagsanaataan, mustaqbal yeelataan dalka iyo dadkaba aad anfacdaan aad iyo aad ayeey u mahadsan yihiin walidiintaas, ayuu yiri madaxweynuhu.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee jaamacadda Bosaso faraceeda magaalada Garowe ay ka hir galisey dhawaantan caasimada Puntland

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *