Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo gaaray Dalka Zambia

Published: November 11, 2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay Caasimadda Dalka Zambia ee Lusaka oo ay maanta uga bilowmayso booqasho qaadan doonta maalmo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Lusaka ee kenneth kaunda Airport, kusoo dhoweeyay Safiirka Safaarada Soomaaliya ee Zambia Marwo Hawa Hassan Mohamed, Guddoonka Jaaliyadda Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi. 

Inta uu ku suganyahay Dalka Zambia wuxuu Madaxweynuhu kulamo la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Ganacsatada dalkaasi.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliya Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland iyo saraakiil Madaxtooyo.

Dalka Zambia waxa deggen ganacsato Soomaaliyeed oo badan kood ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Horseed Media