Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo magacaabay gudoomiyeyaal degmo

Published: January 30, 2023

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne kaas oo kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Degmada Godob-jiraan ee Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Puntland Cabdulqaadir Cabdisalaan Jaamac (Kaynaan)  si ku-meel-gaar ah ugu magacaabay; Guddoomiyaha Degmada Godob-jiraan ee Gobolka Nugaal.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dikreeto uu soo saaray ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Ku-meel-gaarka ah ee Degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa Cabdiqani Maxamuud Cabdiraxmaan si ku-meel-gaar ah ugu magacaabay; Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Horseed Media