Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xeer ka soo saaray bixinta Shatiyada macanta

Published: March 11, 2023

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne kuna saabsan Hirgelinta Khidmadaha Shatiyada iyo Jaangoynta Canshuuraha Ku-meel gaarka ah ee Khayraadka Macdenta.

Madaxweynaha ayaa xeerka uu soo saaray ku sheegay in Wasaarada Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ay masuul ka tahay bixinta Shatiyada ka gancasiga iyo dhoofinta macanta. Shatiyadaas oo waajib ku ah cid kasta oo ka ganacsanaysa khayraadka macdenta.

Sidoo kale waxaa si kumeel gaar ah loo  go’aamiyey (jaangooyey) Canshuurta ku  waajibtay dhammaan macdanta laga dhoofinayo Dekedaha, Garoomada diyaaradaha iyo Xuduudaha kale ee Puntland.

Wareegtada waxaa lagu faray Wasaaradda Tamarta, Macdenta iyo Biyaha in ay muddo kooban gudohood ku soo diyaariso Sharciga iyo Siyaasadaha ka faa’iidaysiga Khayraadka Macdenta.

Inta laga soo diyaarinayo Sharciga iyo Siyaasadaha ka faa’iidaysiga Macdenta, waxaa si ku meel gaar ah loogu dhaqmayaa Xeerkaan.

Horseed Media