Madaxweynaha Puntland Siciid Deni: “Hormarinta Puntland ayaa muhimadda kowaad noo leh”

Published: May 23, 2024

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo soo xiraayey shirki jiheynta dowladda Puntland ayaa sheegay in muhimadda kowaad maanta ay tahay sidii ay uga shaqeyn lahaayeen Puntland horumarsan, xasiloon, dadkeeduna helaan adeega ay u baahan yihiin.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dhaqaalaha Puntland qaybtiis ay bixiyaan hay’ado ajnabi ah, kuwaas oo iyagu maamula waxa ay bixinayaan sidii kale go’aamiya cidda ay u dhiibayaan dowladuna ay leedahay keliya in ay dhagax dhigto ama ay xariga ka jarto, shanta sanno ee soo socota waxaan dooneynaa in aan beddelno dhaqankaas, ayuu yiri Madaxweyne Deni waxaan dooneynaa in wasaaradaha dowladdu ay fuliyaan shaqada oo hay’adahu aysan ciddii ay doonaan u dhiibin.

Qorshaha labaad ee muhimadda leh ayuu ku sheegay Madaxweyne Deni in ay tahay inaan lagu tiirsanaan deeqaha hay’adaha ajnabiga ah oo aan si tartiib-tartiib ah u yarayno taasna ku beddelno in aan la soo baxno kheyraadkeena, si taas loo gaaro ayaa Madaxweyne Deni hoosta ka xarii qey in loo baahan yahay isla xisaabtan joogto ah iyo amniga oo sugan, si amniga loo sugo waa in dib u habeyn lagu sameeyo hay’adaha amniga, qorshaha dib u habeyntana ma ahan ayuu yiri madaxweynuhu mid aan halkan ku faahfaahinaayo.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in muhimadda kowaad ee dowladiisu hadda ay tahay hormarina Puntland, waxaana uu yiri:

“…Hor-tebinta kowaad waxaa hadda noo leh waa hormarinta Puntland, dowladnimadeena ayaan dib u yagleelan doonaa, wixii aan gaari weyney 25 sano ayaan hadda ka shaqeyneynaa, waxaan rabnaa in Puntland hadda iyo hadhoowba ay tahay Block Soomaaliyeed oo sidaas u dhisan oo isku tashada, adeegiisuna dadkiisa ku filnaado, dowladda Puntland waa mid dadkeedu dhistey dibna ugama noqon doonto, kana mid ah Dowladaha xubnaha ka ah federaalka, qaranimada Soomaaliya danteena ayaa ku jirta cidna uga carari meyno, cidda iyadu khadlan ayaan qaban doonaa ayu yiri Madaxweynaha Puntland.

HORSEED MEDIA