Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo dalka Imaraadka Carabata u dhoofey

Published: August 15, 2023
Shares44
Siciid Deni Safar

Madaxweynaha Punland Siciid Cabdllaahi Deni oo uu wehliyey waardiyiisa gaarka ah Cabdullaahi Farabaden (Dheere) ayaa maanta ka dhoofey garoonka diyaaradaha ee Gen Mohamed Abshir ee magaalada Garoowe.

Sida ay shegayso xog ku dhaw safarka Madaxweyne Deni ayaa sheegaysa in uu ku wajahan yahay dalka Isutagga Imaraadka Carabta (UAE) waxaana uu tarnsit ku yahay Adis Ababa. Dalka Imaaraadka carabta waa halka ugu badan ee safarada Madaxeyne Deni ku dhamaadaan, waxaana safaradiisu u badan yihiin kuwo gaar ah, ma jirto cid masuuliyiinta xukuumadda kammid ah oo horey u raacda marka laga reebo waardiyihiisa gaarka ah iyo qaraabadiisa dhaw.

Ka hor inta aan Madaxweyne Deni ka dhofin Garoowe, waxa uu kulan la qaatey guddi beesha Ciisama Maxamuud ka socdey kaas oo tiradiisu tahay 45 xubnood oo dhawaan soo saarey go’aamo ku aadan arrimaha doorashooyinka.

Guddiga ayaa xubno ay iska dhex qabteen u dirsadey shirka Madaxweyne Deni, xog soo gaartey Horseed Media ayaa sheegaysa in Madaxweyne Deni cabasho ka muujiyey go’aamo dhawaan ay guddigu soo saareen, sidoo kale waxa uu ka dalbadey in la qabto doorashooyinka saddexda degmo ee harsan.

Guddiga ayaa Madaxweynaha ku wargeliyey in doorashooyinku aysan iyaga u xirneyn ee uu kala xaajoodo cidda uu aaminsan yahay in ay u xiran tahay. Guddigii Doorashooyinka TPEC ayaa ku dhawaaqey in saddxdaas degmo aan doorasho laga qaban karin marka iyaga hala weydiiyo cidda ku amartey ayey yiraahden, waxaana shirku ku soo dhamaadey iyada oo aan waxba la isla fahmin.

Safarka Madaxweynaha ayaa imaanaya iyada o muddo xileedkiisi ay ka asran tahay 4 bilood oo keliya dalkuna uu ku sugan yahay xaalad aan la aqoon halka uu u jiheysan doono.

Horseed Media