Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku wajahan degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal

Published: June 9, 2023
Shares14
Deni oo dangoroyo ku sugan
Madaxweynaha Puntland oo booqdey Dangoroyo September 3, 2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii danbeeyey ku sugnaa magaalada Qardho, ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Jimce ah booqdo degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal taas oo u dhexeysa Qardho iyo Garoowe.

Degmada Dangoroyo ayaa ka mid ahayd saddex degmo oo doorashooyinka goloyaasha deegaanka laga reebay, kadib markii caasimadda ay khalkhal ka sameeyeen siyaasiyiin hore uga tirsanaa maamulka Siciid Deni kuwaas oo doonaya in doorashooyinka lagu galo nidaamkii hore ee beelaha, waxaana ay adeegsadeen ciidamo uu horkacaayo Korneyl ka falaagoobey ciidanka Puntland oo lagu magacaabo Col. Jimcaale Jaamac Takar, kaas oo hadda donaaya in uu dhiil la galo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, sida ay sheegayaan xogo hoose.

Dadka reer Dangorayo ayaa si weyn u doonaayey in ay ka qaybqaataan doorashada, laakiin waxaa laga hor istaagey in sanaadiikhdu ay halkaas gaaraan.

Wararku waxay sheegaayn in Madaxweyne Deni caawa seexan doono Dangoroyo, kulamo la qaadan doono waxgaradka gobolka Nugaal qaarkood, kadibna maalinta sabtida ah u gudbi doono Garoowe.

Ma cadda ilaa hadda xiliga la qabanaayo doorashada golaha deegaanka ee Garoowe, sidoo kale Madaxweynaha Puntland ee muddo xileedkiisa ay ka harsan tahay 7 bilood ayaan weli caddeyn qaabka uu doorasho u qabanaayo, waxaana lagu eedeeyey in uu doonaayo muddo kororsi.

Horseed Media