Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku wajahan magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Published: April 17, 2024
Shares14

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar gaar ah ugu maqnaa dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ku wajahan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa mudada uu ku sugan yahay Nairobi la kulmi doona qaar kamid ah safiirada dalalka taageera arrimaha Soomaaliya iyo qaar kamid ah hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya barnaamijyada gargaarka iyo hormarinta.

Safarka Madaxweynaha Puntland oo qorsheysnaa maalintii shalay ee Salaasada ayaa baaqdey kadib markii roobab xooggan ay ka da’een Dubia, taas oo saameysey duulimaadyada diyaaradaha.

Xog ku dhaw safarka Madaxweyne Siciid Deni ayaa sheegaysa in uu kulan gaar ah la qaadan doona madax ka socota dowladda Maraykanka oo ku sugan Kenya. Dowladda Maraykanka ayaa aad uga walaacsan xaaladda isbeddelka leh ee Soomaaliya gaar ahaan arrimaha burcadbadeeda, argagixsada iyo xiisadda ka taagan badda cas, waxaana hadda ay u muuqataa mid wax ka beddalaysa siyaasadeedi Geeska Afrika ee 12 sano ee la soo dhaafey. Kulanka Deni iyo Maraykanka ayaa looga hadli doonaa iskaashiga Puntland iyo Maraykanka ee arrimaha amniga iyo geedi socodka dowladnimada Soomaaliya.

Qaar kamid ah golaha wasiirada ee Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland oo uu kamid yahay wasiirka Qorsheyna iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo qaar kamid ah la-taliyaasha Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda ku sugan magaalada Nairoobi kuwaas oo diyaarinaya kulamada Madaxweynaha.

Puntland ayaa beesha caalamka ka dooneysa in loola dhaqmo hab gaar ah maadaama aysan wax wada shaqeyn ah kala dhaxeyn Dowladda Federaaka, kadib markii ay ku eedeysey in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dastuurkii dalka burburiyey.

HORSEED MEDIA