Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo kulan la qaatey Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil

Published: August 23, 2022
Shares4
Deni iyo garaad jaamac garaad ismcaaiil
Madaxweynaha Puntland oo markii u horeysey qasriga madaxtooyada ku soo dhaweeyey garaad Jaamac garaad Ismaaciil

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garoowe kulan la qaatey isimo iyo cuqaal uu hoggaaminaayo garaad Jaamac garaad Ismaaciil oo fadhigiisu yahay Laas-caanood.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulanku ahaa mahadcelin madaxweynhu ka sameeyey sida ay nabadda uga shaqeeyeen isimadan.

Madaxweynaha ayaa Garaadka iyo Cuqaasha uga mahadceliyey doorkooda muhiim ka ah ee ay markasta ka qaataan nabadaynta iyo xasiloonida, isagoona ku booriyey inay sii wadaan shaqadaasi muhiim ka ah ee ay bulshadooda u hayaan.”

Madaxtooyada Puntland

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, ayaa u yimid xalinta colaadii Saaxmaygaag iyo Sange jebiye ee dhexmartey beelaha ka kala tirsan Majeerteen iyo Dhulbahante. Garaadka ayaa ka duwan isimada kale ee reer Sool waxaana uu si furan u taageeraa Somaliland iyo gooni isu taageeda.

Shirkii xalinta colaadii Saaxmaygaag ayaa mar kale loo ballamey in la soo afajarayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *