Madaxweynaha & Ra’iisal Wasaaraha Sirilanka oo is casilaya

Published: July 10, 2022

Madaxweynaha dalka Sirilanka, Gotabaya Rajapaksa iyo Ra’iisal Wasaarihiisa Ranil Wickremesinghe ayaa abqalay inay shaqada ka taggaan, ka dib markii uu dalkaasi wajahay maalintii ugu adkeyd, intii ay taagnaayeen qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay dhibaatooyinka dhaqaale ee dalkaasi, iyadoona kumanaan dibadbaxayaal ah ay shaley xoog ku galeen Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Colombo, dabna ay qabadsiiyeen hoyga Ra’iisal Wasaaraha.

Madaxweynaha ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada ka cararay, ka hor inta aysan gudaha u gelin bannaanbaxayaasha, oo ka careysan sicir bararka xoogga leh ee dalkaasi ku sii baahaya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ee dalkaasi, Mahinda Yapa Abeywardena ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu is casili doono Arbacada ina soo aaddan.

Gudoomiyaha ayaa shacabka ugu baaqay inay is dejiyaan, isla-markaana ay joojiyaan xasaradaha ay abuurayaan, haddii Madaxweynuhu uu aqbalay dalabaadkoodii ahaa inuu xafiiska baneeyo.

Ra’iisal Wasaare Wickremesinghe ayaa isna sheegay in uu shaqada ka taggi doono, marka la helo dowlad cusub.

Cadaadiska ay wajahayaan labadan nin ayaa sii xoogeystay, ka dib markii dhaqaalaha dalkaasi uu dhulka galay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *