Madaxweynaha Ruushka Putin oo booqasho ku tagay wadanka Shiinaha

Published: October 17, 2023
Shares32

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta oo Talaada ah gaaray Shiinaha si uu ula kulmo Xi Jinping, iyagoo xoojinaya xiriirkooda shir madaxeed la filayo in looga hadli doono dagaalka Israel iyo Xamaas.

Shiinaha ayaa toddobaadkan soo dhawaynaya wakiillo ka socda 130 waddan oo ka qayb galaya shirka madaxweyne Xi ee mashruuca taariikhiga ah, Hindisaha Isku-xirka Ganaciga iyo wadooyinka, kaas oo Beijing ay u adeegsanayso inay ku kordhiso saameynteeda caalamiga ah.

Waa safarkiisii ugu muhiimsanaa ee Madaxweynaha Ruushka ku tago dalka dibadiisa tan iyo markii uu bilowday dagaalka uu kula jiro dowlada Ukraine.

Horseed Media