Madaxweynaha Seerbiya oo warqaaha aqoonsiga ka guddoomiyey safiirka Soomaaliya

Published: June 20, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia Aleksandar Vučić ayaa Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona Dalka Serbia Maxamed Cabdullahi Axmed.

Dalalka Soomaaliya iyo Serbia waxaa ka dhexeeya Xiriir qoto dheer oo ku saabsan Iskaashiga labada dal.

Danjire Maxamed Cabdullaahi waxaa uu La wadaagay Madaxweynaha Serbia Dhambaal Salaan ah oo uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xiriirka Muqdisho iyo Belgrade ayaa soo bilowday 62-sanno ka hor, waxaana Madaxweynaha Serbia Aleksandar Vučić uu sheegay in labada dal ay leeyihiin Taariikh iyo xiriir dheer.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *