Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo gaaray magaalada Laascaanood

Published: September 19, 2022

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Maamulka gobolka, kan degmadda iyo qaar kamid ah qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa madaxweynaha iyo wefdigiisa kusoo dhaweeyey duleedka Galbeed ee magaalada. 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maalmihii dambe socdaal ku marayey qaar kamid ah degmooyinka iyo deegaanadda Somaliland.

Gobolka Sool ee uu maanta gaaray Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku hardama Puntland iyo Somaliland iyadoo marar badan ay dhaceen dagaalo u dhaxeeya labada dhinac.

Dhanka kale, Qaar kamid ah xaafadaha Laascaanood waxaa ka dhacay muddaharaad ka dhan ah socdaalka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Horseed Media