Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo magacaabay xilal cusub

Published: November 23, 2022

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu soo saaray xilkii ka qaaday xeer ilaaliyihii guud Xasan Axmed Aadan iyo Wasiirkii horumarinta iyo maalgashiga Somaliland Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare.

Madaxweynaha ayaa wasiirka wasaarada maalgashiga u magacaabay Aamina Cilmi Fariid Badeed, halka uu xeer ilaaliyaha guudna u magacaabay Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan Hoorri.

“Waxaan go’aamiyey in Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan Hoorri laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xeer-ilaaliyaha Guud ee Somaliland, Aamina Cilmi Fariid Badeed na laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland”.

Wareegtada xilka qaadista iyo magacaabista ah, ayaa waxa ku saxeexnaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Horseed Media