Muuse Biixi Madaxweynaha Somaliland oo u jawaabey Madaxweyne Xasan Sheekh.

Published: September 18, 2022

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ee uu ku sheegay inay ka go’an tahay inaysan marnaba aqbalin doonin in Somaliland ay ka go’do Soomaaliya

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa caddeeyey in qaddiyadda Somaliland salka ku hayso go’aan shacab, hadal meel kale laga yirina aanu waxba ka beddeli Karin, waa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynuhu sheegay “Sidaa daraadeed, qaranka Somaliland wuxuu go’aansaday inuu ka baxo midowgii uu khasaaray markii ay burburtay wixii aynu ku heshiinay, taana Xasan Sheekh iyo mid Xamar jooga waxba laga weydiin maayo.”

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas kusii daray “Haddaad muruq siyaasadeed leedahay oo aad xor tahay maxay kuu ilaaliyaan nimanka Afrikaanka ahi, waxan la yaabbanahay inaad faanto oo aad tidhaahdo Somaliland muruqayga ku isticmaali maayo, Alshabaabna ay daarahaaga cashuur ka qaaddo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Horseed Media