Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabay 9 Agaasime

Published: January 20, 2020

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu magacaabay sagaal Agaasime oo cusub, waxaa kaloo uu xilalkii ay hayeen ka qaaday agaasimayaal .

Agaasimayaasha cusub ee la magacaabay ayaa kala ah;

1. Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga.

2. Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Muxummed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska.

3. Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

4. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.

5. Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha.

6. Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada.

7. Axmed Cabdirisaaq Diiriye Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka.

8. Maxamed Axmed Xasan (Jabarti) Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda.

9. Maxamuud Ismaaciil Cilmi Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland wuxuu xilkii ka qaaday Amaal Cabdi Xasan oo ahayd Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Dhawrista Tayada  iyo Maxamed Aadan Xirsi Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul Wanaaga.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *