Madaxweynaha Somaliland oo u duulay shirka London

Published: February 18, 2012

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanya ka duuley Garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa. Wefdiga uu hoggaaminaayo Madaxweyne Siilaanyo ayaa ujeedkoodu yahay in ay ka qaybgalaan shirka London ee furmaya 23 Feberaayo 2012.

Shirka London ayaa looga hadlayaa arrimaha Soomaaliya, waxaana ka mid ah waxyaabaha diirada lagu saarayo qaabka dalalka reer Galbeedku u taageeri doonaan Soomaaliya in ay cagaheeda ku istaagto, dhamaadka xiliga Dawladda hadda jirta iyo waxa la yeelaayo xaaladda isbedelka iyo weliba sidii loo balaarin lahaa hawlgalada Ciimada Midowga Africa.

Wufuud kale oo ka kala socda Dawladda kumeelgaarka ah, Dawladda Puntland, Galmudug iyo Ahlu-Sunnah ayaa lagu wadaa in isla todobaadkan ay soo gaaraan magaalada London.

Waa markii u horeysey oo wefdi heer sare ah oo ka socda Somaliland ay ka qaybgalaan shir looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya, waxaana Somaliland ay muddo 20 sano ah ku doodayeen in ay yihiin dal xor ah oo ka go’ay Somaliya hase yeeshee ma jirin cid dheg jalaq u siisey doodaas.

Qaar kamid ah Xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland iyo siyaasiyiin hore ayaa ku tilmaamey in Madaxweynaha hadda ee SSomaliland Siilaanyo uu ka debcey mawqifkii dadku qaateen ee ahaa la soo noqoshada Xornimadoodi, isla markaana ku tilmaamey shirka in uu yahay mid aan dani ugu jirin Somaliland, halka Maamulka Somaliland ay ku doodeen in ay muhim tahay in ay ka qaybgalaan shirkan oo looga hadlaayo arrimo khuseeyo Somaliland isla markaana ay aragtidooda ku soo bandhigaan.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Udub ee sii kala firdhaya ayaa ka mid ah Xisbiyada ku kala qaybsamey ka qaybgalka shirka waxaana Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland oo ah ku xigeenka Xisbigaas uu sheegay in uu ka qaybgalayo, halka Guddoomniyaha UDUB uu sheegey in ka qaybgalaka Axmed Yusuf Yaasiin ay tahay mid shakhsi ah.

Horseed Media