Madaxweynaha Soomaaliya & Dhaxal sugaha Sacuudiga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal

Published: December 11, 2022
Shares2

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Dhaxal sugaha Boqortooyada dalka Sacuudi Carabiya, ahna Ra’iisul wasaaraha dalkaas Amiir Salmaan Bin Maxamed.

Madaxweynaha iyo Dhaxal sugaha ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dowladood iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.

Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa balan qaaday in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay ka taageeri doonaan wax ka qabashada dhanka amniga iyo Abaaraha soo noqnoqday ee ka jira Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan booqasho ku tagay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga, halkaas oo uu kaga qeyb galay Shirka Shiinaha iyo dalalka Carabta, isagoona kulamo kala duwan kula qaatay qaar ka mid ah Madaxda, Amiirrada iyo Boqorrada dalalka Carabta.

Horseed Media