Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti

Published: August 16, 2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo saakay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray dalka Jabuuti,halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Safarka madaxweynaha ee dalka Jabuuti ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka soojireenka ee labada dal, horumarinta iskaashiga iyo wada jirka labada dowladood.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti wuxuu kullamo la yeelan doonaa madaxda ugu sareysa dalkaasi oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Iscmaaciil Cumar Geelle oo ay iska xog wareysan doonaan xaaladda guud ee Geeska Afrika iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab oo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay qeyb ka tahay howlgalka Nabad-sugidda Midowga Afrika ee Soomaaliya lagaga sifeynayo Shabaab.l

-DHAMMAAD-

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *