Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada London

Published: November 20, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi hoggaaminayo ayaa  gaaray magaalada London.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiis ayaa waxay ka qeyb-galyaan shirka hoggaamiyeyaasha caalamka ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa.

Madaxweyne Xasan ayaa Kulamo la qaadan doona Madaxda dalka Ingiriiska.

Kulamadaasi oo looga hadli doono dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo in ay ka taageeraan Soomaaliya ee qaadista cunaqabateynta hubka.

Dalka Ingiriiska ayaa kamid ah wadamada xubnaha joogtada ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Horseed Media