Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka iskaashiga Ruushka iyo Afrika

Published: October 23, 2019
Madaxweyne maxamed Cabdullaahi oo ku sugan Sochi dalka Ruushka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay furitaanka Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika oo maanta ka furantay Magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweyne Sharafeedka Afrika Abdulfataax Asiisi oo si wadajir ah u furay Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika ayaa tilmaamay muhiimadda Shirkani u leeyahay dalalka Afrika iyaga oo xusay dhinacyada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadista iskaashiga ganacsiga, socdaalka iyo dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweyne Farmaajo oo ka mid ah 43 hoggaamiye oo Goobjoog ka ah Shirka iyo Wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Ruushka waxa uu kulamo gaar ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah Madaxda iyo maalgashadeyaasha ka qeyb galaya Madasha iyagoo u bandhigi doona fursadaha ka jira dalkeena.

Madashan oo ah tii ugu horreysay oo Ruushku soo qaban qaabiyo waxaa ka qeyb galaya seddax kun oo Ergo oo ka kala socota dalalka Afrika iyo Ruushka. waxay socon doonta 23-ka ilaa 24-ka Bishan iyada oo la filayo in qodobo miro-dhal ah kasoo baxaan.

Safarkan wax Madaxqweynaha u wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Cali Maxamed, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo La-taliyeyaal.

DHAMMAAD FAAFIN HORSEED MEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *