Madaxweynaha Soomaaliya oo ubaxdhigay Taallada Dhagax-tuur

Published: June 26, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maamuusaya halgankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo halyeeyadii naftooda u huray xornimada, qarannimada iyo midnimada dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo muujinaya sharafta iyo qiimaha ay Ummadda Soomaaliyeed ka mudan yihiin geesiyaashii u soo halgamay Xorriyadda dalka ayaa mid mid u dul istaagay tabbeelayaal lagu xardhay taariikhda qaar ka mid ah Halgameyaashaasi, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay ilaalinta midnimada, dal jaceylka, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si looga miradhaliyo dhaxalkii ay ka tageen ee ilaalinta gobannimadeenna.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa subaxnimadii hore ee saaka hoygooda ku booqday Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka dalka mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda mudane Xamse Cabdi Barre, si uu ula qaybsado farxadda maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada dalka.

Horseed Media