Madaxweynaha Tunisia oo kala diray Baarlamaankii iyo xiisada sare usii kaceysa

Published: March 31, 2022

Madaxweynaha Tunisia Kais Saciid ayaa goor dambe Arbacadii shalay soo saaray wareegto uu ku kala dirayo Baarlamaanka, kaasoo hakad ku jiray tan iyo sannadkii hore, ka dib markii Xildhibaanada ay ku gacan saydheen hakintii kalfadhiyada Baarlamaanka iyagoona u codeeyey in la baabi’iyo qodobadii uu cuskaday ee uu awooda kula wareegay Madaxweynaha.

In ka badan kala-bar xildhibaanada ayaa kalfadhigooda ku yeeshay aalada fogaan araga ah, fadhigan oo ahaa kii ugu horreeyay tan iyo markii uu shaqada ka joojiyay Madaxweynaha bishii Luulyo.

Madaxweyne Saciid wuxuu ku eedeeyay xildhibaanada afgambi dhicisoobay iyo shirqool ka dhan ah amniga qaranka wuxuuna amray in baaritaanno lagu sameeyo.

“Waa inaan ka ilaalinaa midnimada dalka…ma ogolaan doono kuwa xadgudubka geystay inay sii wadaan gardarrada ka dhanka ah Qaranka,” ayuu yir Madaxweyne Saciid oo muuqaal soo dhigay internet-ka.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha afgambi markii uu shaqada ka joojiyay Baarlamaanka xagaagii hore, isaga oo dhinac maray inta badan dastuurkii 2014-kii oo uu u dhaqaaqay in uu dalka ku xukumo dikareeto.

“Kama cabsanayno inaan difaacno hay’ad sharci ah,” ayay tiri Yamina Zoglami, oo ah xubin baarlamaan oo ka tirsan xisbiga Islaamiga Ennahda.

Kalfadhiga baarlamaanka iyo jawaabta Saciid ayaa sii xoojisay qalalaasaha siyaasadeed ee Tunisia oo ah dalkii ugu horeeyey uu ka dhacay kacdoonkii shacuubta carabta dhamaadkii sanadkii 2010.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *