Madaxweynaha Ukraine oo dalbaday in loo kordhiyo hubka Gantaallada Difaaca

Published: June 15, 2022

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa codsaday hub dheeraad ah oo ah kuwa difaaca Gantaallada si ay isaga caabiyaan hubka culus uu Ruushka ku garaacayo Severodenetsk & Kharkiv.

Waxa uu walaac ka muujiyay xaaladda adag ee halkaas ka jirta kaddib markii Moscow culeyskooda isugu geeyeen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Magaalooyinka baaqiga ku ah Ciidamada Ukraine.

Geesiyaal ayuu ku tilmaamay Ciidanka u taagan iska caabinta culeyska uga imaanaya askarta Ruushka ee adeegsanaya weerarada cirka, dhulka iyo badda ah oo ay ku go’doomiyeen magaalooyin dhowr ah.

Zelensky ayaa qiray in dhibaato xannuun badan ay kala kulmayaan Ciidamada Ruushka ee ka dagaalamaya Bariga Severodonetsk iyo Gobolka Kharkiv balse ugu dambeyn laga guuleysan doono sida uu hadalka u dhigay.

Ruushka iyo Ukraine ayaa guullo ka kala sheeganaya dagaalka waqti dheeraaday ee ka socda Dalkaas, Dowladaha Reer Galbeed ayaa intooda badan garab istaag u muujinaya Xukuumadda Kyiv, waxaana dhaqdhaqaaqa ugu badan sameynaya Mareykanka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *