Madaxweynaha Ukraine oo Putin ka codsaday kulan fool ka fool ah

Published: March 22, 2022

Madaxweynaha Ukraine Volodomyr Zelensky ayaa muuqaal uu xalay saqdhexe baahiyey ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu kulan fool ka fool ah la yeesho Madaxweynaha Ruushka Putin, isla markaana kasoo dabcay qodobo uu horey u diiday inuu gorgortan ka galo.

Hogaamiyaha dagaalka ku socdo ee Ukraine ayaa sheegay inuu hada diyaar uyahay inuu gorgortan ka galo qodobada Ruushka ku doodayo oo ay kamid yihiin Jasiirada Crimea iyo labada maamul ee madax banaanida uga dhawaaqay Donbas, bariga dalkaasi Ukraine.

Wuxuuse sheegay Mr.Zelensky in qodobadan hadii laga heshiiyo ay khasab tahay inay ansixiyaan Baarlamaanka Ukraine, isla markaana loo qaado afti dadweynaha Ukraine.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *